AKHRISO:- Maleeshiyaadkii ku dagaalamay Ceel Afweyn oo la kala qaaday

0

Wararka ka imanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maleeshiyaadkii ku dagaalamayay deegaan ka tirsan Ceel Afweyn lagu guuleystey in la kala qaado kadib markii ay ciidamo ka socda Somaliland ay halkaas gaareen.

Mas’uuliyiinta Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay waanwaan laga dhex waday labadii maalmood ee ugu dambeysay lagu guuleystey in isfaham la kala dhex dhigo labada dhinac ee diriritu ka dhaxeysay.

Masuliyiintaan ayaa sheegay in ay xooga saareen ugu horayn in ay hubka ka dhigaan Maleeshiyo beeleedka dagaalamayay iyadoo mid ka mid ah labada dhinac ay oggolaadeen inay hubka ku wareejiyaan Maamulka Somaliland.

Dhinaca kale ayaa la sheegayaa in ay u socdaan wadahadalo mas’uuliyiinta ka socota maamulka Somaliland iyadoo la filayo in ay iyagana hubka dhigaan.

Dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa salka ku hayay falal aano qabiil oo sanado badan soo jiitamayay waxaana dagaalka la sheegay inay ku dhinteen tobaan ruux boqolaal kalana ay ku barakaceen.