AKHRISO:-Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay muwaadiniinta ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee Kismaayo

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey dadka dhaawacyadu ay ka soo gaareen weerarkan arxan darrada ah in uu Alle u boogo dhayo, isagoona Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku jiheeyay in si degdeg ah ay gurmad caafimaad ugu fidiso dadka ay culus tahay xaaladdooda caafimaad.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Weerarkan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray hay’adaha ammaanka heer Federaal ee ku sugan Jubbaland iyo kuwa heer dowlad Goboleed in ay sare u qaadan feejignaantooda oo ay sugaan amniga, kana hor tagaan falalka bahalnimada ah ee argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku wax-yeelleeyaan amniga Jubbaland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay bulshada Jubbaland in ay xoojiyaan midnimadooda iyo wadajirkooda, siina joogteeyaan la shaqeynta laamaha ammaanka, si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaannada oo ay ku soo food leedahay doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland.