SAWIRRO:-Yuusuf Dabageed oo shaaciyay xiliga uu xilka ku wareejinayo Gudoomiyaha cusub ee Hiiraan

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne, ayaa sheegaya in xal kama danbeys ah laga gaaray murankii ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay Gudoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Sida wararku sheegayaan, waxaa xalay la isu geeyay Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale iyo ninka diidanaa inuu xilka wareejiyo Yuusuf Dabageed, iyadoo halkaasi lagu kala saxiixday heshiis wada shaqeyn ah.

Xildhibaan Nuur Iidoow Beyle oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kaalin muuqatana ku lahaa heshiiskan, ayaa sheegay in Yuusuf Dabageed aqbalay la shaqeynta Gudoomiyaha cusub, isagoo shacabka ugu laab qaboojiyay in murankii gacan ka hadalka keenay heshiis laga gaaray.

Maalinimada beri oo Sabti ah, ayuu sheegay in Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale xilka si rasmi ah ula wareegi doono, si uu u shaqa bilaabo, isagoo ka digay in la car qaladeeyo dadaalada ay wadaan.