SAWIRO:- Madaxweyne Karaash “Shaqooyinka Ka Socda Boosaaso Waa Kuwii Ay Xaqa U Lahayd

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku sugan xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa Kormeeray dhismaha wadada lamiga ah ee Biyo kule oo cabirkeedu dhan yahay 1km iyo 740m iyo dhismaha wadooyin yar yar oo laami ah, kuwaasi oo isku xidha wadooyinka waaweyn ee magaalada oo dhan 800m, saldhigga badhtamaha magaalada iyo xaafadda Guryo Samo oo laga hirgelinaayo duleedka Galbeed ee magaalada Boosaaso.

Kormeerka Madaxweyne Ku-xigeenka waxa ku wehelinaayey Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dimuquraadiyadda, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Duqa Degmada Boosaaso, Taliyaha Qaybta gobolka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka warbixiyey kormeer kiisa shaqo ee uu maanta ku tegey dhismaha Wadooyinka, saldhigga badhtamaha iyo xaafadda cusub ee Guryo Samo.

“Waxaan ku faraxsanahay sida maamulka gobolka uu u wada shaqaynaayo iyo madaxda sare ee korjoogtada u ah ee dowladda dhexe, waan idinku bogaadinayaa shaqooyinka badan ee socda sida aad uga wada-shaqaynaysaan, wadooyinka laamiga ah ee socda waxay ku dhismayaan wada shaqayn iyo kala dambayn, waxaan kaloo ku faraxsanahay dhismaha saldhigga Badhtamaha ee looga shaqeeyey sida tayadaleh, markii iigu dambeysey Saldhigga iyo maanta aad bay u kala duwan yihiin waan garan waayey”.

“Shaqooyinka ka socda Boosaaso waa kuwii ay xaqa u lahayd, talaabadaa iyada ah ku wada baan idin leeyahay, anana wixii karaankayaga ah waan ka qayb qaadanaynaa, inagoo dhammaanteen Alle ‘SWC’ kaashanayna, Ganacsatada hirgelinaysa Xaafadda Guryo Samo waan bogaadinayaa, waxay makhraanti u yihiin nabadgelyada ka jirta mandaqadda iyo horumarka isasoo taraya” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xusay in Boosaaso mudan tahay in il gooniya lagu eego maadaama ay tahay ishii dhaqaalaha dalka, Isla markaana ay muhiim tahay inay Dowladdu ku shaqayso si loo dhiirigeliyo Ganacsatada, loona kobciyo koboceena dhaqaale.