AKHRISO:- Wararkii Ugu dambeyeey ee Xaladda Kismaayo iyo Weraarka Hoteel Cas Caseey

0

Kismaayo wali Ragg hubaysan oo ka Tirsan Alshabaab ayaa kujira Hoteelka Cas Caseey ee Magaaladda Kismaayo,waxaana socota Rasaas.

Ciidanka Nabad sugida Jubbaland ayaa wali la dagalamaya Kooxda Werarka soo qaaday,waxaana jira xildhibaano iyo Siyaasiyin la badbaadiyeey oo ku jirray Hoteelka.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay Masuuliayadda Weraarkas lagu qaaday waxayna shegeen inay toos u tooganayan dadka hoteelka kujira.

Ku dhawaad 10 ayaa la xaqiijiyeey inay ku dhinteen Weraarkas.

Hodan Naleeya oo ahayd Gabar Wariye ah samayn jirtayna Filmada dukumantari ah ayaa ku dhimatay werarkii galabta,halka Ninkeda oo horey u so noqday wasiirka Ganacsiga uu ka badbaaday Werarkaas.