Xaalada Ceerigaabo, Wararkii ugu dambeeyay iyo Halka uu Saldhigtay Kornayl Caare oo dagaal kula jira maamulka muuse biixi

0

Xaalada Magaalada Ceerigaabo iyo Deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Sanaag oo ay shalay ka dhaceen Dagaalo iyo Banaaxyo Rabshado watay ayaa maanta degan.

Magaalada Ceerigaabo ayaa lagu soo Waramayaa in Habaynkii Xalay lagu soo Rogay Xaalad BANDOW ah, Waxaana maanta dib u bilowday isku socodka Gaadiidka iyo Ganacsiga,  Walow Qaybo kamid ah magaalada Xiisadaasi laga dareemayo.

Dhinaca kale Jabhadda uu Hogaamiyo Kornayl Caarre oo Horay Fadhiisin ugu lahayd Duleedka magaalada Qardho, ayaa lagu soo waramayaa inay Hada usoo Wareegeen Buuraleyda Galbeedka Gobolka Sanaag.

Xalay saqdii dhexe mar kale waxaa ciidamada Somaliland isku dayeen inay dhanka Buuraleyda Ceerigaabo u dhaqaaqaan, haseyeeshee waxaa labbada Ciidan isku muteen iridka “Karin” oo ah kan laga galo Buurta Daallo.

Ciidamada Somaliland dib ayay halkaas ugasoo laabteen, Buuraleyda Ceerigaabona iyo labba kamid dariiqyada laga soo galo magaalada waxay gacanta ugu jiraan Jabhada Kornayl Caarre.

Odayaal iyo Waxgarad ayaa lagu soo Waramayaa inay Maanta ku baxeen, Kuwaasi oo ku Howlan sidii loo Xakamayn lahaa Xaalada Gobolka inta aysan Faraha ka bixin.