Shirkada Diyaaradaha Itoobiya oo 228 Duulimaad Udiyaarisay Xujayda Sanadkan

0

Shirkada diyaaradaha itoobiya (Ethiopian Airlines) ayaa danadkan xajka udiyaarisay 228 duulimaad, waxaana adeegan kafaaiidaysan doona inkabadan 40kun oo xujay ah.

Waxyaabaha sanadkan lagu soo kordhiyay adeega xajka ayaa waxaa kamida in xujayda gudaha diyaarada loogu diyaariyay takbiirta xajka, diyaarinta xirfadkayaal kala duwan oo dhanka luuqada ah kuwaas oo gaadhaya 37 luuqadood iyo tirada duulimaadyada xajka, ugaarka ah oo markii uhoraysay lacayimay aadna loo badiyay, kaasoo gaadhaya 228 duulimaad.

Waxaa xusid mudan in xujaydu hada lahor aad uga calaacaleen adeega xajka ee shirkada diyaaradaha itoobiya taasoo haatan dadaal ugu jirta sidii arintaasi wax looga badali lahaa.