SAWIRRO:-Musharaxa madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Guuleed Qaasim Oo booqday Isbitaalka guud ee Magaalada Kismaayo

0

Musharaxa madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland mudane  guuleed qaasim ayaa maanta booqday Isbitaalka guud ee Magaalada Kismaayo.

Ujeedka booqashada ayaa ahayd u kuurgelida xarumaha caafimaad iyo baahiyaha ka jira.

Musharax Guuleed ayaa warbixin ka dhageystay maamulka Isbitaalka Kismaayo iyo dhaqaatiirta ka howlgasha.

Maamulka Isbitaalka ayaa musharaxa la wadaagay shaqooyinka ay hayaan, xaalada bukaanada iyo baahiyaha ka jira Isbitaalka.

Mudane Guuleed Qaasim sheegay in barnaamij siyaasadeedkiisa uu ka mid yahay hormarinta adeegyada bulshada sida hormarinta iyo balaarinta Isbitaalka Kismaayo.

“Macquul ma ahan in shacabka Jubbaland ay adeegyo caafimaad u doontaan Muqdisho iyo Nairobi, waxaan balan qaadaya inaan hormarin doono xarumaha caafimaad ee Kismaayo, sidoo kalena aysan jiri doonin adeeg caafimaad oo loo aado.meel ka baxsan Jubbaland”. ayuu yiri musharax Guuleed.

Sidoo kale waxa uu u balan qaaday inuu kala shaqeyn doono helida adeegyada ay u baahan yihiin.