SAWIRRO:-Maxkamadda ciidamada oo loo gudbiyay rag dhac ka geysan jiray Muqdisho

0

Howlgal maamulka degmada Dharkenley ay ka sameeyeen habeenadii la soo dhaafay ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmadaas ayay sheegeen in ay u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan koox dhac u geysan jirtay dadka deegaanka.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir iyo saraakiisha ciidamada oo maanta booqasho ku tegay degmada ayaa loo soo bandhigay ragas oo tiradoodu ay dhameyd 6 iyo hubkii ay dadka ku baara jireen.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ayaa uga mahadceliyay hay’adaha amniga howlgalka joogtada ah iyo sida ay uga jawaabayaan cabashada dadka shacabka ah isaga oo intaan sii raaciyay in shakhsiyaadka la soo qabtay loo gudbin doono maxkamadda ciidamada si caddaaladda loo waafajiyo.