SAWIRRO:-Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo maanta dib ugu laabtay Boosaaso

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ugu horayn ka mahadnaqay soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa, waxaana uu ka warbixiyey safarkiisa shaqo ee qaatay 15 cisho, kaasi oo uu ku horeeyey Jalka Jabuuti oo uu kala qayb galay malinta xuriyadda dalkaasi Juun, 27, 2019.

“Aad bay farxad iigu tahay inaan Boosaaso maanta si rasmi ah uga soo degno aniga iyo wefdigaygu, qorshaha waa iigu jirtey inaan halkan imaado, waxaa jirey safar shaqo oo aan hore ugu imi gobolka, lakiin rasmi muusan ahayn waxaan salaantii iyo ujeedkayagii shaqo idiin soo faray Guddoonka gobolka iyo degmada. Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Boosaaso oo ay ugu horeeyaan Guddoomiyaha gobolka, kan degmada iyo cid kasta oo nasoo dhoweysey waa Alle mahaddiis”.

“Aniga iyo wefdi aan hogaaminayey waxaanu safar shaqo ku tagnay dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka. Jabuuti waxaanu kala qayb galay xuskii maalintooda xuriyadda oo ahayd Juun, 27, 2019, aad iyo aad bay noo soo dhoweeyeen, si dowladdnimo leh ayay noo qaabileen, intii aanu joogneyna kulamo badan baanu yeelanay, abaal ayay inagu leeyihiin, waxaa tusaale u ah hiil Walaal. Safarka kaas noogu xigey wuxuu ahaa Imaaraadka, waxaanu ku kulanay Jaaliyadda dalkaasi ee reer Puntland ee u badan Ganacsatada. Alle mahaddii safaradaasi waxay noogu soo dhammaadeen Guul.

Ugu dambayn, Madaweyne Ku-xigeenka D Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa inta uu ku sugan yahay xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso, waxa uu kulamo muhiim ah la qaadan doona masuuliyiinta dowladda, isimada, nabadoonada iyo qaybaha kale ee bulshada magaaladaasi.