Muwaadin Soomaali Lagu Qabtay Qaad Oo Damiin Lagu Sii Daayey

0

Maxkamadda Sare ee dalka Waqooyiga Ireland waxay dhegeysatay dacwad loo haystay Dareewal Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Xasan, kaasi oo lagu eedeynayo inuu ka dambeeyey Shixnad Qaad ah oo lagu qabtay caasimadda dalkaasi ee Belfast.

Eedeysanaha oo 29 jir ah ayaa la sheegay in bishii April 11-dii lagu qabtay shandad uu ka buuxo Qaad culayskiisu dhamaa 107 Kiilogaraam, laguna  qiimeeyey lacag dhan 500,000 oo Geniga Istarliinka ee laga isticmaalo dalka UK.

Eedeysnaaha oo lala qabtay 4 nin oo kale ayaa la sheegay inuu Qaadka ka keenay magaalladda Frankfoprt ee dalka Jarmalka, isla markaana loo waday magaalladda London.

Dacwad-oogayaasha Maxkmaadda ayaa sheegay inuu Eedeysanaha wajahayo Dembiyo la xiriira Keenista iyo haysashadda Daroogadda Heerka C, iyadoo Qaadka mamnuuc ka yahay dalkaasi.

Qareenka difaacayey Eedeysanaha oo lagu magacaabo Sean Dohertywaxa uu sheegay inuusan Maxamed Xasan gelin wax dembi, isla markaana go’aankii ay Ra’isul-wasaarada Britain, Theresa May ku mamnuucday Qaadka uu ka hor imaanayo Talooyinkii ay Khubarada Caafimaadka kula taliyeen.

Theresa May waxay xilligii ay ahayd Xoghayaha Arrimaha Gudaha Britain ku dhawaaqday go’aanka mamnuucista qaadka ee gudaha dalka Britain ku dhawaaqday bishii July ee sannadkii 2013-kii.

Dhinaca kale, Garsooraha Maxkamadda Sare ee Belfast, MikAlinden waxa uu tilmaamay inuu qaadka waxyeello u geysto Bulshadda, loona aqoonsaday Daroogo, haddii uu ahaan lahaa Heerka C, Heerka A ama Heerka B, waa sida u uhadalka u dhigay.

Garsooraha waxa uu xukumiyey in Eedeysanaha Maxamed Xasan lagu sii dayn karo Damiin, kadib, markii uu Eedeysanaha Adeerkiisa ballanqaaday inuu Maxkamadda dhigi doono lacag kaash ah oo dhan 1,000 Gini, si loo sii daayo Eedeysanaha.

Maxkamadda Sare ee magaalladda Belfast kuma aysan dhawaaqin Xilliga uu Eedeysanaha mar kale hor imaan doono Maxkamadda, si go’aan looga gaaro Xukunkiisa.