Guddoomiye Yariisow “Xildhibaanada maanta hadlay waa qaswadayaal aan waxba laga weydiineyn masiirka Gobolka Banaadir”

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Enj Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa ku tilmaamay qaswadayaal xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka kuwaasoo sheegay inay diidan yihiin horumarka dalka.

Enj Yariisow oo la hadlayay taleefishinka DALSAN ayaa sheegay in xildhibaano uu ka mid yahay C/dir Cosoble ay magac qabiil iyagoo raba inay ku hadlaan caasimada aflagaade ku hayaan kana so horjeedaan horumarka caasimada.

“Caasimada anigaa guddoomiye ka ah duq magaalana ka ah shacabka arrimaha caasimada iyo maqaamkeedana shacabka soomaaliyeed oo aan wakiil ka ahay ayaan ka wadatashanay.”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Enj Yariisow ayaa xusay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay diyaar u yihiin inay nidaamka federalka la hirgeliyo caasimada maqaamkeedana la dhamaystiro.

Halkan hoose ka daawo guddoomiye Yariisow oo eedeyn u soo jeediyay xildhibaano.