Booliska Soomaaliland oo waxyaabaha maanka dooriya ku qabtay Hargeysa

0

Howlgal ay Magaalada Hargeysa ka sameeyeen Ciidamada booliska Soomaaliland  ayaa waxaa ay gacanta ku soo dhigeen Mandooriyaha Khamriga oo lagu ganacsanayay gudaha Magaaladaasi.

Saraakiisha Ciidamada Booliska  ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa  sheegeen in Qamrigan la doonaayay in lagu dhibaateeyo dadka Shacabka degaanada  Somaliland.

War kasoo baxay taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa lagu sheegay in tilaabo adag laga qaadi doono dadkii lagu soo qabtay Qamriga.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliland Feysal Xiis oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay inuu ka digayo in waxyaabaha maanka dooriya la geeyo deegaanada Soomaaliland, islamarkaana waxaa uu xusay in tilaabo adag ay ka qaadi doonaan dadka ay gacanta ku soo dhigaan.