AKHRISO:- Kulamo xalay ka dhacay Magaaladda Jowhar

0

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhaxeey xildhibaanada Barlamaanka Hir-Shabelle,kuwaas oo kala taageersan guddoomiyaha Baarlmaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed iyo gudodomiye kuxigeenka Baarlamaanka Canab Axmed Ciise.

Khilaafka ayaa salka ku haya kulamada Baarlamaanka oo guddoomiye Cusmaan Barre uu sheegay inay xiran yihiin halka guddoomiye kuxigeenka 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka hir-Shabeelle ay sheegeen in sharci darro y tahay go’aanka guddoomiyaha Baarlamaanka hir-Shabelele,isla markaana kulamada ay furan yihiin.

Xalay Magalada Jowhar waxaa kulamo xasaasi ah ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle & guddoomiye ku xigeenka kowaad iyo labaad ee Baarlmaanka Hir-Shabeelle,waxaana kulamadaas ay ahaayeen kuwa looga arin sanayay sidii ay u qabsoomi lahaayeen kulamada Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hir-Shabeell Cabdi Xuseen Geedi ayaa qoraal uu u diray Xildhibaanada waxaa uu ku wargeliyay in si deg deg ah xildhibaanada dib ugu soo laabtaan Magalada Jowhar si kulamada Baarlamaanka ay dib ugu bilaawdaan.

Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Xildhibaanada ku sugan Magalada jowhar ay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka hir-Shabelle Cusmaan Barre Maxamed oo haatan ku sugan Magaalada Baladweyne.