AKHRISO:- Faahfaahin dhalinyaro lagu dilay Muqdisho

0

Sidda ay Allgalgaduud u xaqiijiyeen goobjoogayaal ku sugan xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa koox hubeysan ayaa halkaasi ku dilay labo wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka degaanka.

Labada dhalinyaradda ah ee la dilay ayaa lagu kala Magacaabi jiray Ismaaciil iyo Maxamed, waxaana la sheegay in ay halkaasi ku lahaayeen Studio iyo Footo Sawiradda lagu galo.

Raggii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta ay dilka ka geysteen, kahor inta aysan halkasi soo gaarin Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo halkaasi ka qaaday Meydadka labada ruux.

Ciidamada ammaanka ayaa baaritaano ka Sameeyay xaafada uu dilka ka dhacay,mana jirto Cid falkaasi dilka ah loo soo qabtay oo la shaaciyay.