SAWIRRO:-Hogaamiyaha Jubbaland Oo Kulan La Qaatay Safiirka Talyaaniga Ee Somalia

0

HogaamiyahaJubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Kulan la qaatay Safiirka Dowlada Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Carlo Campalina.

Kulankan waxaa axmed madoobe ku wehelinayay xubno katirsan golayaasha Dowlada waxaana diirada lagu saaray Xaalada Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland waxaana Safiirku uu sheegay in ay rajaynayaan in wakhtiga lagu guda jiro Doorashooyinka Jubbaland in xaaladaha amaank iyo dagananshahu ay noqdaan mid wanaagsan.

Waxaa kale oo kulankan lagaga hadlay tageerada Dowlada Talyaaniga ay siiso Jubbaland iyo sidii loo dhamaystiri lahaa heshiisyadii hore ee la xiriiray arimaha hormarinta.