SAWIRRO:-Banaanbax la xidhiidha Xaalada Sanaag oo magaalada Burco ka socda

0

Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer waxaa hada ka socda Qaybo kamid ah Banaanbaxyo Salka ku haya Xaalada Colaadeed ee kasoo Cusboontay Gobolka Sanaag.

Qaar kamid ah shacabka ayaa dhigaya Banaanbaxa, kuwaasi oo taayiro ku gubaya Qaybo kamid ah Wadooyinka magaalada Burco, Kadib markii Deegaanka dhoob ee duleedka Ceerigaabo uu ka dhacay ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo Kuwa Kornayl Caarre,  iyadoo uu dagaalkaasi dhaliyey khasaare kala duwan.

Sidoo kale magaalada Ceerigaabo ayaa waxaa ka dhacay Kacdoon ka dhan ah Somaliland, Iyadoona Qaar kamid ah Shacabka magaaladu ay hubkooda lasoo baxeen, waxaana gudaha magaalada Laga Maqlay dhowaaqa Rasaasta.

Kornayl Caarre ayaa saamayn wuxuu ku leeyahay Sanaag iyo Togdheer oo kamid ah deegaanada ay Beeshiisu degto.

Xukuumadda Somaliland ayaan Weli ku guulaysan Inay Xal waara ka gaadho Colaado Sokeeye oo kusoo Noqnoqday deegaanka Ceel-Afwayn, Waxaana sidoo kale Colaada cusub ee Ciidanka Somaliland iyo Jabhada Kornayl Caarre u muuqaata mid uga sii dari karta xaalada Gobolkaasi.