AKHRISO:- Faahfaahin ka soo baxaysa gabar 9 sano jir ah oo lagu kufsaday degmada Raagge Ceelle

0

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan gabar sagaal sano jir ah oo uu mid ka mid ah ciidamada Milatariga ku kufsaday degmada Raagge Ceelle ee gobolka Sh/dhexe.

Gabadhan sagaal sano jirka ah ayaa la sheegay in askarigan uu afduubtay xilli ay ka timid dugsi quraan ay wax ka baranaysay kadibna faraxumeeyay isagoo weliba u geystey jirdil.

Wararka ayaa sheegaya in askariga falkan ka dambeeyay uu baxsaday waxayna sheegeen saraakiil ka tirsan Maamulka degmada Raagge Ceelle inay ku raadjoogaan.
Gabadha falka kufsiga ah loo geystey ayaa la geeyay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka halkaa oo lagu daweynayo.

Dadka ku nool degmada Raagge Ceelle ayaa aad uga naxay falkan foosha xun leh ee uu askariga ka tirsanaa ciidamada ammaanka kula kacay gabadha yar.

Waalidiinta gabadha la kufsaday ayaa dalbaday in caddaalada la horkeeno askariga ka dambeeyay falka kufsiga ah.