Xubno katirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay Baardheere

0

Ciidamada Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen Xaafado ka tirsan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo,waxa ay kusoo qabteen xubno katirsan Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa markii ay soo gaabgabeeyeen howlgalkooda waxa ay soo bandhigeen rag katirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo hub lagu soo qabtay.

Ragaas oo gaarayey ilaa laba ayaa lagu soo bandhigay Taliska Hey’adda Nabadsugida ee degmada Baardheere, waxaana lala soo bandhigay Bambooyin iyo Bustoolado.