Xilldhibaan Aden Barre oo baaq u diray dumarka xilalka ka haya dowlada Kenya

0

Madaxa golaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya ahna xildhibaanka magaalada Garissa Aden Bare Ducaale ayaa sheegay in uu qorsheynayo in markale uu baarlamaanka horgeeyo sharciga sadex meel dhig ka mid ah siinaya haweenka in ay helaan xilalka Dowlada.

Dooda la xiriirta arintaan ayaa baarlamaanka Kenya ay ku guul dareysteen in la meel mariyo bishii Febraayo.

Mr Duale oo ka hadlayay kulan loogu magac daray hooyada iyo nabada oo ka dhacay magaalada Kisumu ayaa waxuu sheegay in uusan joojin doonin dadaalada uu ugu jiro meel marinta Sharcigaan.

Xildhibaanka magaalada Garissa ee gobolka waqooyi Bari ayaa intaa raaciyay in kala qeyb sanaanta u dhaxeysa haweenka xilalka ka haya Kenya ay tahay caqabada ugu weyn oo ah in uu la meel mariyo Sharcigaan.

Waxaan ka shaqeyn doonaa in dumarka ay helaan sadex meel dhig ka mid kuraasta, balse iyaga ayaa kala qeybsan ayuu yiri mr Ducaale.

Siyaasigaan rug cadaaga ah ayaa meesha ka saaray in heshiiska dhexmaray madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha mucaaradka uu wiiqay in dumar ay helaan kuraas kale oo siyaado Ah.

Ugu danbeyn wuxuu sheegay in heshiiska uu ahaa oo kaliya ka shaqeynta sidii loo xoojin lahaa midnimada Kenya.