Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ku wajahan Cadaado

0

Waxaa maanta lagu wadaa in Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ay gaaraan Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ay deegaan doorashadooda ay tahay deegaanada maamulka Galmudug.

Xubnaha Xildhibaanada ah ayaa waxaa hoggaaminaya Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Bukhaar, iyadoona ay la socdaan Xildhibaanada kala ah,Cabdiraxmaan Odawaa, Saabir Nuur Shuuriye, Siciid Nuur Giriish iyo Xildhibaano kale oo ka soo jeeda Deegaanada Maamulka Galmudug ee ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sababta ay xildhibaanadan u tagayaan Magaalada Cadaado ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay u xalin lahaayeen Xiisada Siyaasadeed ee ka soo korodhay deegaanada Maamulka Galmudug