Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta kulan ku leh Muqdisho

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan ku leeyihiin Xaruntooda Magaalada Muqdisho.

Ajandaha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay u codeynta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga la dagaalanka Musuq maasuqa, iyada oo Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ajandahaas siweyn ugu diyaar garoobeen.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa ka baaqsaday Kulan ay yeelan lahaayeen sabtidii la soo dhaafay kadib markii uu soo buuxsami waayay kooramkii uu ku furmi lahaa Kulanka.

Guddoomiyaha Golaha shacabka oo maalintaasi la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu digniin u diray Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.