DHAGEYSO:-Madaxweyne Farmaajo “Waxaan rabnaa dowlad dhexe oo xoog leh”

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii u horeysay ka hadlay aragtidiisa Federaalka iyo asalka khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo xilligan gaaray heerkii ugu xumaa.

Isagoo ka hadlayay Munaasabad ay ku qalin jebiyeen Arday ka baxday Jaamacadda Umadda ayuu Madaxweynuhu sheegay in khilaafka taagan inuu yahay dood socota oo la xiriira nooca Federaal ee dalku ku shaqeynayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marna qarsan damaciisa ah in la helo dowlad Dhexe oo awood leh, taasoo horay dad badan oo Siyaasiyiin u badnaa ay su’aalo ka keeneen.

“Annagu waxaan niraahnaa federaalka ah saxda ah annagaa ah, maxaa yeelay waxaan rabnaa dowlad dhexe oo xoog leh” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. “Waxaan rabnaa dowlad-dhexe oo leh ciidan dalka difaaci kara, Dowlad-dhexe dhexe oo arrimo dibedeed oo adag leh, waxaan rabnaa dowlad-dhexe oo socdaalka iyo xuduudaha ilaalisa. Waxaan rabnaa dowlad ciidan adag leh oo dhaqaaleheeda iyadu maamusha, dowladda dhexe ee aan rabno waa noocaas” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in wixii ka soo hara hannaanka Federaalka ee noocaas uu yahay Federaal Fashillan (Lose Federalism), isla markaana aysan taasi dooneyn sida uu hadalka u dhigay.

“Anigana waxaan u arkaa in aan federaalka taageersannahay, Wixii ka soo horjeeda taas waa federaal-diid” ayuu yiri oo intaa ku daray dowlad goboleedyadu ay leeyihiin shaqo waajib ah oo ah in ay adeegyada bixiyaan.

Madaxweynaha ayaa u jeediyay dhalinyarada qalin-jebinaysay iyo kuwa kale ee Soomaaliyeedba in ay doodda arrintaas ku aadan qayb ka noqdaan oo ay saxaan dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedyada hadba kii ku khaldan doodda socota.

“Dowlad-goboleedyada qaarkood ay nagu dacaayadeeyaan dowladda dhexe oo (Centralist) ah, waa dowlad awoodda rabta in ay qaadato”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dowladda federaalka ah ee uu hoggaaminayo mudane Farmaajo ayaa in badan lagu dhaliilayay in aysan ogolayn hirgelinta hannaanka federaalka ah ee dalku qaatay, waxaana tan iyo sannadkii hore khilaaf xooggan u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleeyada.