DAAWO:- Wejiga Labaad Ee Dib-u-habaynta CXDS Oo Billowday

0

Ra’iisu Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali
Khayre, ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda lagu shaacinayay bilaabshada
wejiga koowaad ee dib-u-habaynta ciidamada oo ka dhacday taliska ururka
lixdanaad ee ilaalada madaxtooyada.

Wejiga labaad ayaa ka koobnaan ku hubinta ciidamada goobihii lagu
diiwaangeliyay ee dhammaan gobollada dalka Soomaaliya iyo qiimeyn guud
oo lagu sameynayo tayada ciidamada, si loogu saleeyo dhameystirka
baahida ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Janaraal Daahir Aadan Cilmi “Indho
qarshe” ayaa xukuumadda iyo taliskaba ku ammaanay guusha ay ka soo
hooyeen dib-u-habaynta ciidamada wejigii koowaad oo lagu hergeliyay
diiwaangelinta, tirakoobka iyo dejinta nidaamka mushaar bixinta CXDS oo
ciidamda lagu siiyo xisaabaadkooda bangiyada.

Taliyaha ayaa saraakiisha CXDS ku amray in ay la shaqeeyaan saraakiisha
ku howlan qorshaha dib-u-habaynta ciidamada ee booqanaya goobaha ay
ciidmada ku suga yihiin.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa ka go’an in uu ku guulaysto
dib-u-habaynta ciidamada qalabka Sida oo qayb ka ah halbeegyada ugu
muhiimta tubta amniga iyo caddaaladda