AKHRISO:- Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay inay doorasho dhacdo

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa uu Aqbalay in qabto la Doorashada Madaxtinimada dowlad Goboleedka Galmudug,kadib markii dhawaan uu diiday.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa lagu shaaciyay marka hore in gebi ahaan uu burburay heshiiskii Jabuuti ee Galmudug iyo Ahlusunna Waljameeca oo lagu saxiixay Muqdisho 6-da Bishii December 2017.

Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa ogolaaday in la qabtay Doorashada Galmudug,isla markaana tilmaamay in Galmudug iyo Dowladda Federaalka ay ka wada shaqeynayaan sidii loo qaban lahaa Doorshada.