DHAGEYSO:- Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle oo ka hadlaya Dhismaha Golayaasha Deegaanka.

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle ayaa ka hadlay golaha deegaanka oo la qorsheynayo in laga bilaabo dhowaan deegaano ka mid ah dowlad goboleedka Hirshabelle.

Maxamed Cali Caadle Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle ayaa sheegay si qalad ah loo tarjumay qaabka loo doonayo in lagu dhiso golaha deegaanka Hirshabelle.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaarada Arrimaha Gudaha aysan wax lug ah ku yeelan doonin soo xulista golaha deegaanka isagoo beeniyay warar sheegayay in wasaaradu ay xuli doonto xubnaha golaha deegaanka.