AKHRISO:- Dowladda Qatar Oo Mashaariic Ka Fulineysa Koonfur Galbeed

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta gareen ) iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed Ibraahim Cabdiqaadir Maxamed oo Safar Shaqo u joogo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somaliya ayaa kulan la Qaatay Safiirka Dalka Qadar u fadhiya Soomaaliya Xasan Binu Xamza.

Waxayna kawada Hadleen sidii Dowlada Qadar ay u tageeri lahayd dowlad goboleedka Koonfur Galbeed sida fulinta mashaariicda Hormarineed, Waxbarashada, Caafimaadka iyo dhismaha Wadooyinka Dowlada Qadar ay ka wado Dalka sidii Qeyb ugu noqon lahayd dowlad Goboleedka Koonur Galbeed.

Waxaana kulanka inta uu socday Safiirka uu Balan qaaday in Mashaariic kala gedisan ay ka fulin doonan Deeganada KG waxayna ka taageeri doonan sidii loo hormarin lahaa Deegaanaddaa KG.