SAWIRO:- Golaha Aqalka sare oo ansixiyay Wax ka badalka lagu sameeyay Xeer-hoosaadka Golaha

0

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah xarunta Golaha ku yeeshay Kal-fadhiga 5-aad Kulankiisa 9-aad.

KulanKA oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ajendihiisu wuxuu ahaa akhrinta 3-aad ee dib-u-eegista Xeer- hoosaadka Golaha Aqalka sare.

Guddoomiyaha Guddiga Xeer hoosaadka anshaxa iyo Xasaasanada Golaha Aqalka sare Senator Xasan Faarax Xujaale ayaa Senatarada u akhriyay qodobada wax ka bedelka lagu saleeyay ee dib-u-eegista xeer hoosaadka Golaha Aqalka sare,waxayna intaasi ka dib Golaha Aqalka sare codeyn u qaadeen Akhrinta 3-aad ee dib-u-eegista xeer hoosaadka Golaha.

Ugu danbeeyntii Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ,Mudane Cabdi Xaashi Cabullaahi ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta Gacan taaga ah,kulanka oo ay goob-joog ahaayeen 30-Senator ayaa Waxaa ogolaaday 29-Senatar ,mana jirin xubin diiday ama ka aamustay.