DAAWO:- Kulankii Golaha Shacabka oo maanta Kooram la’aan u baaqday

0

Kulan ay yeelan lahaayeen maanta xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa kooram la’aan u baaqday iyadoo ay soo xaadireen 123 xildhibaan oo kaliya.

Tirada laga doonayo in kulanka baarlamaanka uu ku furmo ayaa ah 139 xildhibaan iyadoo inkabadan 10 xildhibaan ay ka dhineyd kooramka uu ku furmi karay.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa amray in liiska xildhibaannada maqan loo gudbiyo guddiga anshaxa si talaabo looga qaado.

“Markan xaadirin uma baahno ee waxaa ay u baahantahay ficil, sidaas darteed waxaan amreynaa xeer nidaamiyeyaasha iney ku wareejiyaan liisaska ay hayaan guddiga anshaxa. Maadaama kooramku aanu dhameyn fadhigii ma furmin”.ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal.

Kulamada Golaha Shacabka ayaa waxaa ku soo laablaabta baaqasho iyadoo ay soo buuxin waayeen tirada laga rabo xildhibaanada inuu ku furmo kulankooda.

Xildhibaanada ka maqnaada kulamada baarlamaanka ayaa u badan xildhibaanada ka mid ah golaha wasiirada dowlada federalka.