AKHRISO:- Xaalada Gaalkacyo oo degen caawa kadib iskahorimaad ka dhacay maanta

0

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Koofurta magaalada ayaa sheegaya in xaalka ammaanka magaaladu uu degen yahay kadib markii maanta uu iskahorimaad hubeysan uu ka dhacay magaalada.

Iskahorimaadkan oo dhex maray ciidamada Nabadsugida iyo maleeshiyo kale oo hubeysan ayaa waxaa ku dhintey hal ruux halka saddex kalana ay ku dhaawacmeen.

Dagaalkan ayaa ka dhashay kadib markii dabley hubeysan ay isku dayeen inay xoog ku maraan bar koontarooloo baaritaan dhinaca ammaanka ah ay ka wadeen ciidamada Nabadsugida.

Ammaanka koofurta la adkeeyay maanta kadib markii ay shalay halkaasi gaareen xubno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka kuwaasoo baaritaan ku sameynaya dil loo geystey toddobaadkii la soo dhaafay illaa 13 ruux oo kamid ahaa dadka rayidka ah ee magaalada ku nool.