AKHRISO:- Siyaasadda Galmudug oo Waji cusub yeelatay

0

Wararka naga gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in ay Caawa halkaasi ka socdaan kulamo kala duwan oo u dhaxeeya Wasiiro iyo Xildhibaano gaaray Magaalada Dhuusamareeb iyo Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug.

Kulamaddaan ayaa yimid ka dib markii maamulka Ahlusunna ee ku biiray Galmudug ay ogolaadeen in doorasho Galmudug la qabto Bilaha soo socda, islamarkaana ay heshiis la gaareen Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Magaalada Gaalkacyo ee Caasimadda Galmudug ayaa sidoo kale maanta waxaa gaaray Wafdi xildhibaano ah oo ka socday dowladda dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana doonaya in bulshada degaanka laga dhaadhiciyo doorasho ka dhacda degaanada Galmudug.

Siyaasadda maamulka ayaa yeelatay Waji cusub , waxaana muuqata in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay saameyn Muuqata ku yeelatay Siyaasadda maamulka.

Madaxweyne Xaaf ayaa wali diidan in doorasho ka dhacdo degaanada maamulka Galmudug, waxaana uu sheegay in dowladda dhexe ay ku heyso Faragalin toos ah