Xildhibaanno tirsan labada Gole ee Baarlamaanka oo gaaray Gaalkacyo

0

Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkcayo, iyagoo u kuurgalaya dhacdadii dilwadareedka aheyd ee todobadaadkii hore ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wafdigan oo uu hogaaminayo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka kooban labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa markii ay gaareen magaalada Gaalkacyo waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka ee ka howlgala Galmudug.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda uu la xiriiro sidii ay wax uga ogaan lahaayeen dilwadareedkii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ay ku dhinteen sagaal ruux, isagoo Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay falkaasi xanuunka badan.

“Marka labaad waxaan annagu u nimid halkan, waxaan ahayn wafdi horu dhac ah, ooaan  sugayno wafdi balaaran oo imaan doono ayaan horu dhac u nahay, ujeeddada aan u nimid waxa ay tahay dhacdadii 14-kii bishan dad badan ay ku dhinteen magaalada Gaalakcyo, dhacdadaas oo runtii aad iyo aad dadka Soomaaliyeed, bulshada Caalamka iyo dadka reer Galmudug ay xanuun badan ku keentay,  inaan marka hore isaga tacsiyayno iyo inaan wax ka ogoaano sidii ay u dheceen” ayuu yiri Senator Cabdi Qeybdiid oo hadalkiisa ku daray “Marka uu wafdiga soo dhameystirmo shir jaraa’id ayaan ka sheegi doonaa iyaga oo faah faahsan talaabada la qaadi doono”.