SAWIRRO:-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo gaaray Dhuusamareeb

0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa goor dhow ka degay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah Maamulka Galmudug.

Diyaaradda siday wafdiga ayaa si nabad uga degtay garoonka, iyadoo markii hore ay soo baxayeen warar sheegaya in Ciidamo daacad u ah Madaxweyne Xaaf ay gaadiidka dagaalka la galeen garoonka, si aanay garoonka diyaarad uga soo degin, hase ahaatee warkaas ayaa waxba kama jiraan noqday.

Wasiirka ayaa waxaa wehliya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, iyadoo garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, Ahlusuna, rag ku dhow dhow Madaxtooyada Villa Somalia.

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Dhuusamareeb, halkaasoo ay kula kulmayaan Mas’uuliyiinta Galmudug iyo xubnaha ka tirsan Ahlusuna.

Goor sii horeysay war ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu faray Shirkadaha diyaaradaha in aanay soo qaadi karin Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ee ka imaanaya Muqdisho, hase ahaatee amarkaas ayaa ka dhaqan geli waayay magaalada Dhuusamareeb oo ay ku xooggan yihiin Ahlusuna.