Maanso ‘Maangal’ Abwaan Mohamed Mahamud Omar

0

Maansadan sababta aan u curiyay kuna timi waxa weeye guud ahaan bulshada soomalida waa waxaa aad ugu soo batay dayaca haweenka lagu dayacayo ubadka isla markaana ayagu ay ku lafa jabaan korsadaan yagoon wax bilaa aanu ku siin aabihii ubadka dhalay xil buurana aanu iska saarin sidaa darteed maansada ‘MaanGal’ waxay leedahay

◆Marbaan idhi ubadka tuur
◆Ku maag isagoo fogee
◆Misana murmayoo talada
◆Wuxuu maankay I yidhi
◆Marwooy hooyo tahoo
◆Mudaad uurkaaga iyo
◆Makaanka ku soo sidee
◆Miyaa dhiigaaga mudan
◆Koriin iyo meel haboon
◆Cidlada lagu muunadshaa
◆Aheey may baan ka idhi

◆Masayrkii iga ba’yoo
◆Dadaalka miciin bidoo
◆Muudsaday midigtayda’oo
◆U maallay dhallaanka oo
◆Maalmuhu isa soo taroo
◆Madowga cadaan xigyoo
◆U baxay madal aan nastoo
◆Mabsuuday anoo is moog

◆Markani sabigii tisqaad
◆Aqoon master bay sitan
◆Magaca sharaf bay yihin
◆Hantina mawluhu u dhiib
◆Riyaaq mahadaan baxsha
◆Waynaha ugu mahadiyaa
◆Waxaan milil soo mariyo
◆Hirkiyo maduuc adkaa
◆Ka maydhay wuxuu I baday
◆Maraanka xilkii dayacay

◆Maroora dilaac mar ooy
◆Madaxa xoqo oo is hiif
◆Micida turqiyoo dibnaha
◆Ku meer meer meel cidla ah
◆Masuulka ninkii dafiray

Curiye: Mohamad Mahamud Omar