AKHRISO:- Meydka Abwaan Maxamuud CabdulaahI Sangub oo maanta lagu aasayo magaalada Addis Ababa

0

Meydka Allaha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Abwaan Sangub oo kamid ahaa Abwaanada ugu weynaa taariikhda Ummadda Soomaaliyeed ayaa dhowaan ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Aaska Abwaanka ayaa waxaa ka qeyb geli doona wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo isugu jira xildhibaano, fanaaniin, abwaano iyo mas’uuliyiin ka socota Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda,kuwaasi oo shalay gaaray dalka Itoobiya.

Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Singub” ayaa ku dhashay deegaan ka tirsan dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya horaantii 1944tii waxana uu ka mid ahaa Abwaanada ugu weynaa taariikhda Ummadda Soomaaliyeed isaga oo sameeyay ruwaayado iyo heeso badan oo caan ka ah dalka.