SAWIRO:- Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka qeyb galay Xaflada dhalashada Boqorada UK

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa magaalada Muqdisho uga qeyb galay Xaflad loo sameeyay dhalashada Boqorada UK Queen Elizabeth oo 93 sano jirsatay.

Munaasabadda ayaa ka dhacday xarunta Safaaradda Britain ku leedahay Xerada Xalane, waxaana lagu casuumay xubno ka tirsan Ururada Bulshada Rayidka, Diblomaasiyiinta Caalamka ee fadhigooda yahay Xalane iyo siyaasiyiin.

Sidoo kale xubnihii ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Yariisow oo heysta dhalashada Britain, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, Taliyihii hore NISA C/llaahi Sanbaloolshe iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka oo heysta dhalashada Britain.

Safiirka Britain u fadhiya Soomaaliya Ben Fender iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa madasha ka hadlay, iyagoo ku dheeraaday xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Britain.

Arrinta lama filaanka ah ayaa ah in Xaflada dhalashada Boqorada Ingiriiska ay kulmisay mas’uuliyiin dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo aan muddo isku arkin meel fagaare ah, waxaana ka muuqatay wajiyadooda kuwo aan isku faraxsaneyn.