DHAGEYSO:- Qorshaha Puntland uga dagsan shacab ku barakacay Caluula

0

Boqolaal qoys ayaa ku ahanti beelay oo ay guryahoodii kala tagtay badda oo ku soo fatahday magaalada Caluula ee gobolka Garada Fuu.
Qoyassakan ayaa haatan waxa ay si kumeel gaar ah u dagan yihiin garoonka diyaarada ee degmada Baargaal.

Radio Daljir ayaa xalay baahiyay cabashada dadka deegaanka, kuwaas oo dowladda iyo xubnaha umatalaya gobolka Garda Fuu ku eedeeyay in aysan gobolkan waxba ka ogayn xaaladiisa.

Hadaba wasiirka wasaarada kaluumaysiga Puntland Faaraxa Cawaash oo kamid ah golaha wasiirada Puntland kana soo jeeda gobolkaasi radio Dajir ayaa waydiiyay waxa uu kala socdo deegaanka uu ka soo jeedo iyo qorsha dowladda ee gobolkaasi