AKHRISO:- Guddoomiye Yariisow;”Waa dhamaaday waqtigii Muqdisho ay maamulayeen dad qori wata”

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cismaan Cumar ayaa digniin u direy shaqsiyaad uu ku tilmaamay inay dhibaato ku hayaan shacabka ku nool qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in shirarkii amniga ee ay yeesheen madaxda degmooyinka gobolka Banaadir loogu soo gudbiyay shaqsiyaad dhibaato ku haya amniga gaar ahaan degmooyinka Dharkeynley iyo Kaaraan ayna u gudbin doonaan xeer ilaalinta si tallaabo sharci ah loogaga qaado.

“Bulshada waa inay ka cabsan ka xishoon cid mooryaan ah,maleeshiyaad ah ee dhib ku haya degmada waa dhamaatay waqtigii magaaladan cid qori wata maamulayeen.”ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Halkan hoose ka daawo Guddoomiye Yariisow oo ka hadlaya amniga Muqdisho;