AKHRISO:- Guddoomiye Mursal Oo La Kulmay Guddiga Xaqiiq Raadinta Ee Xasuuqii Gaalkacyo

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la kulmay Guddi xaqiiq raadin oo baaritaano ku soo sameeyn doona dhibaatadii ka dhacdey Magaalooyinka Dhoosamareeb iyo Gaalkacyo ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddiga uu la kulmay Guddoomiye Mursal ayaa waxaa dhawaan magacaabay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta gareen,isla markaana waxaa ay baaritaano ku soo sameeyn doonaan dilka 4 Ruux oo shacabka ahaa loogu geystay Duleedka Dhuusamareeb,kuwaasi oo ka soo jeeda deegaanka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa ay soo baari doonaan xasuuqii Gaalkacyo loogu geystay 9 Ruux oo ka soo kala jeeda deegaanada maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Guddigaan ayaa waxaa horkacaayay Wasiirka Wasaaradda cadaaladda,isla markaana waxaa kamid ah xildhibaano,salaadiin iyo malaaqyo oo ka soo jeedo Koonfur Galbeed Soomaaliya.