AKHRISO:- Maxkamad la soo taagay Xubno ku Eedeysan Weerarkii Al-Shabaab ee Jaamacadda Gaarisa

0

Maxkamadda magaalada Nairobi ayaa la filayaa inay soo gaba gabayso dacwad la xiriirta afar nin oo ku eedeysnaa inay kamid ahaayeen Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab ee bishii April ee sanadkii 2015-kii weerarka khasaaraha badan dhaliyay ku qaaday jaamacadda magaalada Gaarissa ee Gobolka Waqooyi Bari

Raggaan oo dhowr jeer oo hore maxkamadda la soo taagay ayaa waxaa lagu wadaa in maxkamadda Kenya ay ku dhawaaqdo go’aanka oo wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in Maanta la soo geba-gabeyn doono.

Ragga gaaraya Afarta qof ee lasoo taagay maxkamadda ayaa kala ah, Mohamed Ali Abdikar, Hassan Aden Hassan, Sahal Diriye and Rashid Charles Mberesero.

Ka sokow ragga la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab loo maxkamadeynayo weerarkii Jaamacadda Gaarisa lagu qaaday April 2015 ayaa hadana wixii ka dambeeyay waxaa dhacay weeraro dhowr ah oo laga geystay gudaha dalka Kenya