Shir looga hadlayo dib u dhiska dalka oo maanta ka furmaya Garoowe

0

Shir looga hadlayo dib u dhiska dalka ayaa maanta ka furmaya magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad goboleedka Puntland, kaas oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.

Wasiirka hawlaha guud iyo dib u dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosow iyo wasiirada hawlaha guud ee dawlad goboleedyada ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe, si ay uga wada xaajoodaan dardargalinta dib u dhiska dalka.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa dib u dhiska wadooyinka isku xira magaalooyinka dalka iyo kaabayaasha kale ee gacan ka gaysan kara koboca dhaqaalaha.