Shir looga hadlaayay amniga oo xalay lagu qabtay Xarunta Maamulka Degmada Shibis

0

Waxaa xalay Xarunta Maamulka degmada Shibis ee Gobolkan Banadir lagu qabtay Shirka aminga Gobolka, shirkaas oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa shir Gudoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, waxaana ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliska iyo saraakiisha Amniga. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyasadda Gobolka Banaadir iyo Maamulka Degmada Shibis.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay dardar galinta Amniga Caasimada Muqdisho iyo sida ay iskul shaqeyn karaan laamaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka Gobolkan Banaadir, iyada oo guddoomiye Yariisow uu la dardaarmay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shirka amniga ayaa inta badan waxaa lagu qabtaa Xarunta Maamulka Gobolka iyo taliska Booliska,waxaana mararka qaar ka qeyb gal Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre.