SAWIRRO:-Xog-hayaha Joogtada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo Kulan La Qaatay Haweenka Ka Shaqeeya Xafiiska

0

Xog-hayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi, ayaa kulan la qaatay haweenka ka tirsan howl-wadeennada Xafiiska.

Shirka oo diiradda lagu saaray karaarinta shaqooyinka xafiiska wasiirka koowaad ee dalka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray ballaarinta hannaanka gabdhuhu uga qayb qaadanayaan xilalka sare ee maamulka iyo guud ahaan shaqooyinka.

Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi ayaa ku ammaanay gabdhaha qaybta ka ah howl-wadeennaka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kartida iyo ka go’naanshaha ka guul gaaridda hadafyada waawyan ee qaranka.

Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamada Xog-hayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu howl-wadeennada la qaato si la isu ogaysiiyo qorshayaasha hor-tebinta leh, sidoo kalana la isaga wareysto shaqooyinkii lasoo qabtay, guulaha la gaaray, iyo howlaha sida gaarka ah ugu baahan in muhiimad la siiyo.