SAWIRRO:-Horjooge ka tirsan Al-Sabaab oo isa soo dhiibay

0

Horjooge Ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabab oo lagu Magacaabo Ibraahim Manuur Cusmaan ayaa isku soo dhiibey Maamulka Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Waxana Horjoogahan uu ahaa sarkaal Mudo 9-sano ah ka mid ahaa  Kooxda Maleeshiyada Al-Shabaab,isagoona hoggaamin jirey daagaalo kala duwan oo lagu soo qaadey Degmada Diinsoor iyo Deegaano Ka tirsan Koonfur Galbeed.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed Shiine Mayow Aadan iyo Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Shig-shigow ayaa si wadajir ah u sheegay in xiriir uu la soo sameeyay Horjoogahan,islamarkaana ay soo dhoweeyeen.

Horjooge Ibraahim Manuur Cusmaan ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed iney cafiyaan,sheegeyna inuu ka tanaasulay fikirkii qaldanaa ee Kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Mudooyinkii u dambeyay waxaa sii kordhayay Horjoogayaasha Al-Shabaab Deegaanada koonfur Galbeed ayaa waxaa isku soo dhiibey Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabab oo dhibaato badan ka wadey deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed.