Mareynkanka oo duqeyn ku dilay mid ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab

0

Ciidamada Mareynkanka oo kaashaneynaya Dowladda Soomaaliya ayaa duqeyn ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab 5-tii bishan Juune 2019 ka fuliyay agagaarka deegaanka Toora-toorow ee gobolka Shabeellaha hoose.

War hordhac ah oo laga helayo duqeynta ayaa sheegaya in mid ka mid ah argagaixisada Al-Shabaab lagu dilay duqeynta Mareynkanka uu ka fuliyay Gobolka Shabeelaha hoose,waxaana howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaalada lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab.

Ujeedka Duqeynta deegaanka laga fuliyay ayaa lagu sheegay inuu yahay mid looga hortagayo in kooxaha argagixisada ay dhibaateeyaan shacabka,islamarkaana lagu abuurayo fursad ay Dowladda Federaalka isugu balaarineyso deegaanada ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Dowladda Mareynkanka ayaa sheegtay iney sii socon doonaan howlgalada dhanka cirka inta laga ciribtirayo maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab iyo ISIS.

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibadooda Mareynkanka ayaa howlgalka ka dhan ah argagixisada ka wada dalka,waxaana jira deegaano badan oo laga saaray maleeshiyada Al-Shabaab,kuwaasi oo shacabkii horay uga barakacay hadda dib ugu soo labaanaya si ay dib nolol cusub uga bilaabaan.