DHAGEYSO:-Galmudug oo sheegtay in gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaad Shacab ku dilay duleedka Dhuusamareeb

0

Madaxa Golaha wasiirada Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo xalay warbaahinta Kula hadlay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay falal dil ah oo ka kala dhacay Deegaanada Galmudug kuwaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay Dad Shacab ah oo Deegaan ahaan kasoo jeeda gobolada Koonfureed ee dalka.

Sheekh Shaakir ayaa waxaa uu Tacsi u diray eheladii dadkii lagu dilay dhamaanba deeganada Galmudug.

Sidoo kale Madaxa Xukumadda Galmudug ayaa Sheegay in Laamaha amaanka Galmudug ay gacanta kusoo dhigeen Dadkii ka danbeeyay Afartii qof ee lagu dilay Duleedka Magalada Dhuusamareb,  laguna raad joogo isla Dadkii ka dambeeyay Falkii lagu xasuuqay dad shacab ah Magaalada Gaalkacyo.

Ugu dambeyntii Sheekh Maxamed Shaakir ayaa kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ku eedeeyay iska horkeenida bulshada wada dhalatay ee Soomaaliyeed waxa uuna ugu baaqay shacabka in ay u midoobaan ka hortagida dhagaraha Al-Shabaab.