Ciidamada amniga oo Degmada Yaaqshiid ka sameeyay hawlgal amniga lagu xaqiijinaayo

0

Ciidamada ammaanka dowladda Federalka Somaliya ayaa xalay hawlgal amniga ku saabsan waxa ay ka fuliyeen Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Ciidanka hawlgalka fuliyay oo ah Booliska ayaa gudaha u galay guryaha qaar ee Degmada Yaaqshiid, halkaasi oo baaritaano ay ka sameeyeen, Su’aalana ay ku weydiinayeen dhalinyarada.

Intii uu socday hawlgalka ayaa Ciidamada waxa ay gacanta ku soo dhigeen dhalinyaro la tuhmaayo, kuwaasi oo loo gudbiyay qaybaha Baarista ee Booliska Somaliya.

Saraakiisha Ciidamada Booliska kama aysan hadlin hawlgalkii xalay ka dhacay Degmada Yaaqshiid, balse hawlgalkaan ayaa wuxuu qayb ka yahay hawlgalo joogto ah oo Ciidamada ay ka sameeyaan Muqdisho.

Ciidanka Booliska ayaa muddooyinkaan dambe kordhiyay feejignaanta dhanka ammaanka Muqdisho gudaheeda.

Dadkii la soo qabtay ee Ciidamada ay ka shakiyeen, ayaa waxaa la sheegay in loo gudbiyay laanta dambi barista Booliska Somaliya.