AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay howlgalka lagu baadigoobayo Kooxdii dadka ku leysay Gaalkacyo

0

Howlgal weyn oo lagu baadigoobaayo Kooxdii habeen hore dadka Shacabka ah ku leysay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa 24 Saac ee lasoo dhaafay ka socday Magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale degaano hoos yimaada.

Sidda ay Allgalgaduud u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Galmudug waxaa gacanta lagu soo dhigay qaar ka mid ah Kooxdii dadka Shacabka ah ku leysay Magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo dhawaan Maxkamad la horkeeni doono.

Howlgallada ayaa waxaa hoggaaminaya taliye ku xigeenka Booliska Galmudug Col Xabeen waxaana gacansiinaya Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Gaalkacyo.

Ciidanka ayaa Saacadihii ugu dambeeyay kala saarayay dadkii lagu soo qabtay howlgallada oo la sheegay in ay yihiin dad badan oo laga soo qabtay Xaafaddaha ay ka kooban tahay degmada Gaalkacyo