Akhriso:-Kiiskii Ugu Horeeyay ee Cudurka Ebola oo lagu Arkay Dalka kenya

0

Dowladda Kenya ayaa mar kale bixisay digniin ka dhan ah cudurka Ebola, kadib markii haweeney looga shakiyey cudurkan la dhigay isbitaalka guud ee Kericho.

Haweeneydan la tuhunsan yahay inuu cudurka hayo ayaa lagu arkay astaamaha uu caanka ku yahay cudurka Ebola, waxaana ku socda baaritaano dheeri ah.

Kenya waxa ay walaac ka muujineysay dadka kasoo talaabayo xadka ay la wadaagto Uganda oo todobaadkii hore laga helay cudurkan dilaaga ah.

Haweeneydan cudurka lagu tuhunsan yahay ayaa dalka Uganda ku booqatay seygeeda oo halkaas ku nool.

Todobaadkii hore, waxaa dalka Uganda laga helay cudurka Ebola oo si ba’an uga dilaacay sanadkii hore dalka deriska la ah ee DR Congo.

In ka badan 1,400 oo qof ayaa cudurkan ugu geeriyooday dalka jamhuuriyadda demoqraadiga ah ee Congo.