AKHRISO:- Dhaxalsugaha Sacudi Carabiya oo ku baaqay in aan la siyaasadeyn dilkii Jamal Khashoggi

0

Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohamed Bin Salman(MBS) ayaa si maldahan u weeraray dowlada Turkiga isagoo ka digey in la siyaasadeeyo dilkii Jamal Khashoggi.

Xiriirka Turkiga iyo Boqortoyada Sacudiga ayaa xumaaday tan iyo markii lagu diley qunsuliyada Sacudiga ee magaalada Istanbyl Khashoggi bishii Oktoobar ee sanadkii hore.

“Dilkii Jamal Khashoggi waxa uu ahaa dambi xanuun badan.”ayuu MBS u sheegay jariirada Asharq al-Awsat oo wareysi la yeelatay maanta la daabacay.

“Kuwa dambiyada loo haysto waa saraakiil dowladeed,waxayna Boqortoyadu dooneysaa in la helo caddaalad buuxda iyo isla xisaabtan dhabta ah.”ayuu sii raaciyay.

Dhaxalsugaha ayaa ugu baaqay dhinacyada doonaya in siyaasadeeyaan arrinkaasi inay joojiyaan oo ay geeyaan cadeymaha ay hayaan maxkamada qaadeysa dacwada dilka Khashoggi,balse ma cadeyn cidda uu ula jeedo.

Hase yeeshee MBS ayaa sheegay in uu doonayo in xiriir wanaagsan uu la yeesho dhammaan dalalka Islaamka ah.

Hay’ada Sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa baaritaan ay sameysay waxa ay ku sheegtay in MBS oo ah dhaxalsugaha Sacudi Carabiya ay suurtogal tahay inuu bixiyay amarada lagu qaarijiyay Khashoggi oo dhaliili jirey siyaasadaha Boqortoyada Sacudi Carabiya.

Dacwad Oogayaasha Sacudi Carabiya ayaa sheegay inay u xireen falkan illaa labaatameeyo ruux kuwaasoo laga yaabo in shan ka mid ah ay mudan karaan xukun dil ah.